Maamulka Gobol ka mid ah Puntland oo amaro Culus kusoo rogay dadka degaanka

Maamulka Gobolka Hayland ee Puntland ayaa amaro culus kusoo rogay dadka degaanka eek u nool Gobolkaasi, waxaana amaradaasi ay yihiin kuwo dhammaan la xariira Degaanka.

Maamulka Gobolka ayaa mamnuucay waxyaabahan soo socda:

1- Jarista dhirta qoyan

2- Seeraysiga ama xirmaysiga geedaha

3- Deegaamaynta cusub sida: kaamanka, tuulooyinka IWM

4- Laynta ugaarta

5- Laansaarka guryaha

6- In geela la fariisiyo dooxooyinka

7- In geela iyo ariga la is dhex fariisiyo

8- Ceshiimada

Amarka kasoo baxay Maamulka Gobolka ayaa lagu sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii ku xad gudubta amaradaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor