Maamulka Garoonka Jowhar oo amar culus kusoo rogay Shirkadaha Diyaaradaha

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray amaro culus, oo quseeya diyaaradahaha kasoo dega Garoonka Maxamed Dheere ee Magaaladaasi.

Warqad kasoo baxday maareeyaha garoonka Maxamed Dheere ee magaalada Jowhara yaa lagu mamnuucay in  Diyaaradaha ka dagaya Magaalada jowhar ineysan Wax hub qaadi karin.

Shirkadaha iska lej diyaaradaha inta badan kasoo dega garoonkaas ayaa lagu war galiyay amarka cusub, waxaana lagula dardaarmay in ay soo hubiyaan waxyaabaha ay soo qaadayaan,iyadoo ciddii lagu qabto arrimahaasi oo kale sharciga lala tiigsan doono.

Hoos ka akhriso amarka kasoo baxay maareeyaha garoonka 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor