Maamulka Galmudug oo wafdi u diray deegaan ay cabasho kasoo gaartay

Wafdigaan uu hoggaaminaayay Guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada Baarlamaanka Galmudug ahna Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaarre oo uu wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal, isku duwayaal iyo xubno kale ayaa gaaray degaanka Laamo Cali Goodir oo dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Gallinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Wafdigaan ka socday Maamulka Galmudug ayaa degaanka tagay ka dib markii ay soo gaartay cabasho dhanka Bani’aadannimo ah oo ay wajihayaan shacabka ku dhaqan degaanka Laamo Cali Goodir.

Mas’uuliyiinta ayaa bulshada degaanka waxaa ay ka dhagaysteen baahiyada ay wajahayaan, taas oo ay ugu horeeyaan biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada, iyagoona u sheegay in laga jawaabayo baahiyahooda.

Mas’uuliyiinta booqashada u tagay degaanka Laamo Cali Goodir oo dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Gallinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa balanqaaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabayaan baahiyada ay soo gudbiyeen bulshada degaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor