Maamulka Galmudug oo magacaabay Guddiga Doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Baarlamaanka dawlad Gobaleedka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa Maanta magacaabay xubnaha Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Maxamed Nuur ayaa lagu magacaabay xubnaha Guddiga doorashada, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood oo dhammaantood ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Guddigaan ayaa ka shaqey doona qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo deegaanada Galmudug, iyagoona kulan la qaadan doona Madaxweynaha Maamulka Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ayaa maalin kahor Madaxweyne Axmed Qoorqoor ka dalbaday inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Si kastaba maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa horey u qabtay doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana harsan oo kaliya maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland oo laga sugayo qabashada doorashada.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor