Maamulka Galmudug oo ka Jawaabay hadal kasoo yeeray Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress) ayaa maamulka Biden ka dalbatay qiil u helida duqeyntii Talaadadii ay ka geysteen Soomaaliya, taas oo maamulka ku andacooday in lala beegsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Maamulka Galmudug ayaa ka Jawaabay hadalka kasoo yeeray Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo Mareykanka uga dalbaneysay inay qiil u helaan duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ka geysteen degaan ka tirsan Gobolka Mudug oo la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay inuu ku sugan yahay goobihii gantaalada ay ka hadlayso Ilhaan Cumar ku dhaceen, isla markaana uu khasaaro kasoo gaaray oo kaliya Al-shabaabkii la beegsaday.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa tilmaamay in Ilhaan Cumar aysan habooneyn in Al-shabaab ay afhayeen u noqoto, wuxuuna sheegay in duqeynta dhacday lagu burburiyay goobihii laga soo abaabulay Qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku-xigeenkii DANAB, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wuxuu intaas Wasiirka amniga Galmudug qoraalkiisa kusii daray “Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!

Ugu dambeyn Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka Al-shabaab ee sida wadajirka ah looga wado Soomaaliya, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.!

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor