Maamulka Galmudug oo ka hadlay Xaaladdo adag oo ka jira degaano ka tirsan Mudug

Waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ka jira abaaro baahsan oo sababay inay dad badan ku xoolo waayaaan, waxaana meelaha abaarta ugu darran ka jirta kamid ah deegaanka Qeydarre oo ay ku nool yihiin qoysas danyar ah.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in xaalad Bani-aadanimo oo aad u daran ay ka jirto deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in ay jiraan xanuuno ka dhashay abaarta…

Wasiir Falagle ayaa waxaa uu sheegay inay soo arkeen dad kala duwan oo nafaqo darro heysato iyo dad kale oo abaarta saameeyn ku yeelatay, isla markaana waxaa Wasiirka Warfaafinta uu ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay baartu saameysay.

“Waxaanu soo aragnay oo dul joognaa dad kala duwan oo nafaqo daro iyo oon la ildaran,” ayuu yiri Wasiir Falagle oo warbaahinta kula hadlayay deegaanka Qeydarre oo ay ka jirto xaalad bini-adanimo oo aad u daran.

Abaarta ka jirta degaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday lix qof, waxaana sidoo kale abaarta ku le’day xoolo farabadan oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato oo k nool Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor