Maamulka Galmudug oo Gargaar u diray degaanka Bacadweyne

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa ka ambabaxay wafdi ka socda Galmudug, kuwaasi oo kusii jeeda deegaanka Bacadweyne ee Gobolka Mudug.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayo Wasiirka Cusub ee Arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi waayeel, waxaana kamid ah Wasiiro iyo Xildhibaano, iyagoona Gurmad u sida dadka shacabka ah ee waxyeelada kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday Bacaadweyne.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Gargaar loo wado deegaanka Bacaadweyne uu ka kooban yahay Raashin iyo Daawo, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda halkaas la geeyo.

Bacaadweyne ayaa waxaa ka jirto xaalad adeg oo dhanka nolosha ah,  waxaana halkaas ku rogmaday daadad xoogan ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay, waxaana ku dhintay 2 ruux, halka qoysas badan ay ku barakaceen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media