Maamulka Galmudug oo amar Culus dul dhigay dadka ka ganacsada dhuxusha

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa amar culus kasoo saaray jaridda dhirta, ee inta badan laga sameeyo dhuuxusha.

Warqad kasoo baxaday Wasiirka degaanka, Isbeddalka Cimilada iyo horumarinta reer Miyiga Maamul Goboledka Galmudug ayaa waxaa dhammaan bulshada degaanadaasi lagu faray in aysan jari Karin dhirta degaanadaasi.

Sidoo kale waqradda kasoo baxday Galmudug ayaa waxaa lagu mamnuucay gubista dhirta iyo sidoo kale ugaarsiga, waxaana qoraalka lagu sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii lagu qabto arrimahaasi.

Hoos ka akhriso Warqadda kasoo baxday Galmudug