Maamulka G/Hiiraan oo XOG Cusub ka shaaciyay Diyaaradii burburtay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay sababta keentay burburka diyaaradii xamuulka aheyd ee dhawaan ku burburtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.

Diyaaraddaas oo ka soo duushay dalka Jabuuti ayaa sida raashin ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay ugu tala galeen dadkii ay saameynta ku yeesheen daadadkii Beledweyne, waxaana ay burburtay xili ay dooneysay inay ka degto Garoonka.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa uu beeniyay in shilkii diyaaradeed Garoonka Ugaas Khaliif uu sababay Dameer garoonka ku jiray, sida uu horey u shaaciyay Kabtanka diyaaraddaas dhacday Xuseen Maxamed.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Jeyte  in Garoonka uu ku wareeysan yahay Silig badan, isla markaana aysan macquul aheyn in Dameer uu soogalo Garoonka Ugaas Khaliif, uuna kasii tego halka ay dhabbaha Cagadhigtaan diyaaradaha.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu shaaciyay in burburka diyaaradaas uu sababay cilad dhacday Beeyloodka diyaaradda waday iyo carro badan oo taallay Garoonka xiligaas, maadaama halkaas ay ka da’een roobab.

Guddoomiye Jeyte ayaa tilmaamay in Garoonka diyaaradaha Baladweyne ay ka degi karaan diyaaradaha yar yar ee xamuulka, xili Garoonka ay si KMG ah u xirtay dowladda Federaalka.

Si kastaba Diyaaradaas burburtay oo ka diiwaan gashan dalka Kenya ayaa waxaa laga badbaadiyay saddex ruux oo saarnaa, isla markaana ay soo gaareen dhaawacyo, kuwaasi oo isla xiligiiba loo soo qaaday Magaalada Muqdisho si loogu daaweyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media