Maamulka G/Hiiraan oo ka hadlay Diyaaradii Maanta burburtay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay diyaaradii Xamuulka aheyd ee duhurnimadii Maanta ku burburtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradaas burburtay ay siday raashin ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay ugu tala galeen dadkii ay saameynta ku yeesheen daadadkii Baladweyne.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in markii diyaarada kusoo degi rabtay Garoonka ay mid kamid ah lugaha u bixi waayeen, isla markaana dhacday, sidaasina uu uga kacay dab xoogan, hayeeshee markii dambe lagu guuleystay in la demiyo.

Isaga oo sii hadlaayay Cali Jeyte ayaa waxaa uu nasiib darro uu ku tilmaamay in Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne uusan laheyn gaadiidka dab demiska, taasina ay mas’uuliyadeeda ay qaadanayan Dowladda dhexe iyo Ciidamada AMISOM.

“Waa ayaan-darro in garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne uusan laheyn gaadiidka dab demiska , waxaana mas’uuliyaddaas qaadanaya dowladda dhexe iyo ciidamada AMISOM” ayuu yiri Cali Jeyte.

Si kastaba diyaaraddii Baladweyne ku burburtay ayaa ah diyaarad ka diiwaan gashan dalka Kenya, isla markaana kasoo duushay dalka Jabuuti, waxaana laga badbaadiyay diyaaradda sadax ruux oo saarnaa in kasta oo dhawacyo soo gaareen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media