Maamulka G/Banaadir oo soo saaray Go’aan looga hortegayo Dabka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Isniin ah soo saaray xeer looga hortegayo waxyeelada uu geysto Dabka xiliyada qaarkood ka kaca gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Xeerkan oo kasoo baxay Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa waxaa amaro loogu dul-dhigay Milkiilayaasha goobaha Ganacsi iyo dhismayaasha waaweyn ee ku yaalla Muqdisho, si looga looga hortego Dabka geysta khasaaraha kala duwan.

Maamulka Gobolka ayaa faray Milkiilayaasha goobaha Ganacsi iyo dhismayaasha muhiimka inay qaatan qalabka looga hortego Dabka, ayna sameeystan qalabka Digniinta ah ee sheegaya dabka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta u Akhrinaayay xeerka lasoo saaray ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka uu u xushay keenida dalka qalabka looga hortego dabka Shirkadda SOM fire protection.

Maamulka ayaa dhammaan Shirkaddaha waaweyn, Xarumaha kaalimaha Shidaalka, Bangiyada, Maqaayadaha, Iskuulada, garaashyada lagu xareeyo gaadiidka, Bakhaarada lagu iibiyo qalabka dhismaha noocyadiisa kala duwan, Hoteelada, Isbitaalada iyo Xarumaha dowladda faray inay qaatan qalabka looga hortego dabka xiliyada qaar kaca.

Ugu dambeyn Afhayeen Saalax Dheere ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu mamnuucay in la isku dhex iibiyon Shidaal iyo Ganacsiyada kale, waxaana uu caddeeyay in maamulka uu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo ku xad-gudubta xeerka lasoo saaray.

Go’aankaan uu qaatay Maamulka Gobolka ayaa ku soo aadaya, iyadoo Guryo iyo Xarumo kale oo ku yaalla Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay uu ka kacay dab geystay khasaaro hantiyadeed oo badan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media