Maamulka G/Banaadir oo soo Bandhigay Natiijada Sahan la sameeyay

Maamulka Gobolka Bananadir ayaa maanta soo bandhigay natiijo ka soo baxday SAHAN dadweyne oo laga sameeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Sahankaan ayaa ku saabsanaa Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoo dadweynaha su’aalo laga weydiinayay waxa ay u yaqaanan CIOVID-19 iyo sida uu Sameynta ugu yeeshay noloshooda.

Sahankaan ayaa laga sii daayay ilaa 5 Xarumo warbaahineed oo ku yaalla Muqdisho oo ay dadka ku soo diriyeen fariimo ay uga soo jawaabayen su’aalihii la weeydiiyay.

Sida ka muuqatay natiijada Sahanka, dadka intooda badan ayaa aqoon u lahaa Caabuqa COVID-19 taasoo tusinaysa in maamulka Gobolka Banaadir uu si mug leh u sameeyay wacyigalin balaaran oo ku aadaneed COVID-19.

Maamulka Gobolka ayaa xilligaan laba jibaarayo dadaaladiisa wacyigalineed ee la xiriirta Caabuqa Karoona si loo xaqiijiyo badqabka dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media