Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ujeedkiisu ahaa xoojinta sugida amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Shirkan oo ka dhacay xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar ayaa inta uu socday waxaa aad loo falan qeeyay, sidii loo xalin lahaa caqabadaha ka jira dhinaca amniga iyo la dagaalanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u gesta bulshada.
Guddoomiye Cali Yare oo shirka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay amniga Gobolka inta lagu jirto Arrimaha doorashada uu Maamulka Gobolka u madax banaan yahay, uuna mas’uul uga yahay Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Filish, isla markaana shacabka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.
Wuxuu sheegay Guddoomiye Cali Yare inay maqlayaan abaabulka Banaanbax la doonayo inuu dhaco, balse banaanbaxyada la dhigaayo loo baahan yahay in ogolaasho looga heysto Maamulka Gobolka BAnaadir, oo fasax lasoo weydiisto, si loo ogaado cidda banaanbaxeysa.
Cali Yare ayaa Carabka ku dhuftay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay sidii amniga Caasimadda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn karo. Hadalka Cali Yare ayaa kusoo aaday, iyada oo lagu wado in maalinta khamiista uu Muqdisho ka dhacdo banaanbx looga horjeedo isku daygii afgembi ee fashilmay ee la rabay in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.