Maamulka G/Banaadir oo Muqdisho ka bilaabay wacyi-gelinta COVID-19  

Wasaradda Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamuilka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Barnaamijka Wacyi galinta Covid-19 ka bilaabay Magaalada Muqdisho.

Olalaha wacayi galinta waxaa hor kacayay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyi Galinta Maamulka Gobalka Banaadir Marwo Basma Caamir axmed ( jaketti) iyo wasiir ku-xigeenka Wasaarada Diinta Awqaaft.

Barnaamijka ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay ay Bulshada ugu Feejignaan karaan caabuqa Covid 19 oo qeyba kamid ah dalka laga helay waxa ay sheegaan in lagama maar maan ay tahay in dadka ay ku dhaqmaan wacyigalinta ay siinayaan Hay’adaha Caafimaadka iyo maamulka Gobalka Banaadir si uu Cudurada ugu faafin Dalka .

Inta badan Waddooyinka waaweyn iyo kuwa Xaafadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayay gaadiid gaar ah oo lagu xiray Cod baahiyaal, waxaana shacabka ku dhaqan Caasimada looga wacyi-gelinayay faafda Cudurka halista ah ee Coronavirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media