Maamulka G/Banaadir oo kulan ka yeeshay amniga Magaalada Muqdisho

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose oo looga hadlay dardargelinta Amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimayaasha hoostaga qeybta Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, la taliyaasha Amniga iyo saraakiisha Amniga Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa lagu diirada cabashooyin ka imaanayey shacabka oo la xariira kooxo hubeysan oo xiliyada habeenkii dhac geystay, walow oo ay ka jawaabeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta u dhaxeysa shacabka, laamaha amniga iyo maamulada degmooyinka, si meel looga soo wada jeesto, loogana feejignaado dhagaraha ay cadowgu maleegayaan.

Gebagebadii, Guddoomiye Cali Yare ayaa kula dardaarmay saraakiisha amniga iyo Agaasimayaasha in ay laba jibaaraan shaqada ay hayaan bulshada, waxaana uu sheegay in la joogteyn doono kulamada noocan oo kale ah ee looga hadlayo Amniga Caasimadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor