Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay Qaraxii Maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow Garoonka kubadda cagta ee Qoob-doore.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in qaraxii ka dhacay Kaaraan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lala eegtay gaari ay la socdeen shaqaalaha Wacyi-gelinta  Cudurka COVID-19 ee Gobolka.

Waxaa uu sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal ruux oo ahaa Darawalkii waday gaariga la qarxiyay oo nuuciisu ahaa midka raaxada, halka laba kalena oo kamid ahaa Waaxda Caafimaadka ee Gobolka ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Dadka la socday gaariga qaraxa lala eegtay ayuu Afhayeen Saalax Dheere tilmaamay inay ka shaqeynayeen sidii dadka Muqdisho looga wacyi-gelin lahaa faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad dalka kusoo laba kacleeyay.

Isaga oo hadalkiisa sii wada Afhayeenka Gobolka ayaa waxaa uu tacsi u diray qoyska iyo Ehelada Marxuumka geeriyooday, wuxuuna caddeeyay in marnaba aysan joojin doonin shaqada dadka ay u hayaan ee ka wacyi-gelinta Cudurka COVID-19.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmooyinka Gobolka ka bilaabay olole dadka looga wacyi-gelinayo Cudurka, isla markaana waxaa degmooyinka Gobolka dhex wareega gaadiid ay ku xiran yihiin Mikaroofano, waxaana markii ugu horreeysay ee Muqdisho lagu qarxiyo gaari wacyi-gelin wada.