Maamulka G/Banaadir oo fariin u diray Guddoomiyeyaasha degmooyinka

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa Aqalka Dowladda Hoose maanta kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenada Amniga degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda Amniga looga dhegeystay Maamuladda Degmooyinka, waxaana intaas kadib Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda kula dar-daarmay iney laaban laaban Howlaha Shaqo ee ay u hayaan Bulshada.

Sidoo kale inta uu kulan socday ayaa waxaa Guddoomiye ku-xigeenada degmooyinka looga xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga, iyadoo Guddoomiye Cali Yare uu faray inay sii laba jibaaran ka shaqeynta amniga Caasimadda.

Kulankan oo ahaa mid isla xisaabtan ah ayaa waxaa uu Guddoomiye Cali Yare sheegay in aan marnaba Guddoomiyeyaasha degmooyinka laga aqbali doonin in falal amni darro ka dhacaan degmooyinkooda, lagula xisaabtami doono.

Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Amniga, La-taliyaha Duqa Magaalada Muqdisho dhinaca Amniga iyo Agaasimaha Xiriirka degmooyinka Gobolkaaan Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media