Maamulka G/Banaadir oo Ciidamo geeynaya Goobo loo Dalxiis tego

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, xildhibaan Cabdiqaadir Carabow, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Booliska iyo taliyaha nabad-sugida Gobolka ayaa howlgal kormeer ah ku tagay wadada isku xirta Muqdisho iyo deegaanka Jaziira ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedka krmeerkaas ayaa waxaa uu ahaa mid looga hortegayay Kooxo hubeysan oo xiliyada qaarkood Dil iyo dhac ka u geystan dadka shacabka ah ee u Dalxiiska tega deegaanka Jaziira iyo goobo kale oo ku teedsan halkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in qof Shacab lagu dhibaateeyo wadada isku xirta Muqdisho iyo deegaanka Jaziira oo ah goob muhiim ah oo loo dalxiis tego.

Sidoo kale Maamulka Gobolka ayaa qorsheeyay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya la geeyo fariisimo ay ku sugnaayeen rag hubeysan oo dadka ku dhici deegaanka Jaziira iyo Abaay dhaxan, isla markaana dhawaan halkaas dagaal uu ku dherxmaray ragga hubeysan dhex-dooda.

Dhinaca kale Xildhibaan Carabow ayaa waxaa uu tilmaamay in la xaliyay dhibaatooyin soo noq-noqday ee wadadaasi ka taagneed iyo sidii ay xasilooni u heli lahaayeen bulshada ku dhaqan deegaanka Ceel-Huur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media