Maamulka G/Banaadir oo bilaabay Olole lagu buufinayo Waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19 oo si adag u saameeyay Caalamka.

Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Basma Caamir ayaa sheegtay in buufinta suntan ee laga bilaabay Waddooyinka ay gaarsiin doonaa Suuqyada iyo goobaha kale ee muhiimka ee dadka isugu tagaan.

Shacabka ku dhaqan Caasimadda ayay ugu baaqday inay ka qeyb qaatan buufinta waddooyinka Magaalada Muqdisho, si looga wada hortego faafida Cudurka aduunka oo dhan sameeyay ee COVID-19.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in buufinta sunta ee Waddooyinka ay sii socon dooto inta uu jiro Bandowga dowladda Federaalka Soomaaliya xiliga habeenkii ah ay ku soo rogtay Muqdisho, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media