Maamulka G/Banaadir oo balan qaaday ka Jawaabida Cabasho loo gudbiyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeeray Bulaacadda dhismaheedu ka socda dhabarka dambe ee Iskuulka 21-ka Octoobar, taasoo Dhismaheedu gebagebo marayo.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan ku-xigeenada Arimaha Bulshada iyo Howlaha Guud ayaa sidoo kale waxay kormeer ku tagteen Warta KM4, laamiga Burbursan ee Warshada Caanaha iyo Biya dhiga Iskuulka Xamar Jadiid.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa balan qaaday inuu wax ka qaban doono cabashada dadweynaha ee ku aadan wax ka qabashada dhismaha Wadada Warshada Caanaha iyo Biyaha fariista Iskuulka Xamar Jadiid.

Bishii lasoo roobab xoogan oo ka da’ay Caasimadda ayaa samameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka dhowr oo ku yaalla Muqdisho oo ay xireen biyo, wallow markii dadaad dheer, kadib lagu guuleystay in la nadiifiyo, iyadoona qaar kamid waddooyinka ay burbureen.

Maamulka Gobolka ayaa horey si Cad ugu sheegay in aysan waxba ka qaban karin saameynta roobabka da’a ay ku yeeshaan qoysaska dantayar iyo waddooyinka oo fariistaan biyaha ka hoora roobabka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media