Maamulka G/Banaadir oo Awaamiir kasoo saaray cariiriga ka jira Waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa awaamiir kasoo saaray Gawaarida Xamuulka ee Istecmaala Dekadda Magaalada Muqdisho, si loo yareeyo saxmada iyo jaamka ka jira Caasimadda.

Milkiilayaasha Gaadiidleyda xamuulka qaada ee ka howlgala Dekadda Muqdisho ayaa lagu amray in laga bilaabo Maanta ay gaadiidka waaweyn ee wada rarka Xarunta Dekadda kasoo bixi kaaran 10:00 PM kuna eg 04:00 Am kahor Salaada Subax, iyadoona la mamnuucay gaadiidka soo qaada rarka dheeraadka ee waxyeelada geysta.

Ciidanka amniga Booliska dowladda ee ku sugan Isgosyada Tarabuurka, Talaax iyo Mirinaayo ayaa la faray inay soo deyn karaan oo kaliya gaadiidka xamuulka ee sida tooska u galaya Dekadda, kuwaasi oo Barkin ka galeyn waddooyinka ku dhow Dekadda.

Afhayeenka Mamaulka Gobolka Saalax Dheere oo Warbaahinta u Akhrinayay Wareegtada amarka ayaa sheegay in cidii fulin weyda amarka Maamulka laga qaadi doono tallaabo adeg, isla markaana la horgeyn doono Maxkamad.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in goobo Ganacsi laga dhisto hareeraha Laamiga ee waddooyinka Muqdisho, waxaana lagu amaray dadka horey uga dhistay goobo Ganacsi inay ku baneeyaan muddo 7 cesho oo ka bilaabaneysa Maanta.

Ugu dambeyn Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in gaadiidka lagu dhaqo hareeraha laamiga, waxaana ciddii fulin weyda amarada Maanta la soo saaray laga qaado tallaabo adeg, isla markaana fulinta amarkaas loo xilsaaray Ciidanka ilaalada deegaanka Xamar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor