Maamulka Dowlad Deegaanka oo ka hadlay Khasaaraha dagaalkii dhacay

Tirdo dad ah ayaa ku dhintay dagaallo maalmihii u dambeeyay ka socday xadka Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya.

Wararka waxay sheegayaan in dab la qabadsiiyay dhowri guri oo ku yaallay deegaannadaa lagu muransan yahay.

Saraakiisha gobolka Canfarta waxay ku eedeeyeen ciidamada Liyuu booliska Soomaalida in 30 qof ay sabtidii ku dileen halkaas.

Halka mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay sheegeen in ugu yaraan 25 qof oo xoolo dhaqatad ahaa ay maleeshiyaad kasoo tallaabay dhinaca Canfarta ay ku dileen deegaanka.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda tirada dadka ku dhintay dagaalladii shaley ka dhacay xadka Soomaalida iyo Canfarta.

Shucuubta Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaanno ay labada deegaan lahaanshahooda kala sheegtaan sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla xadka ay wadaagaan labada dhinac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor