Maamulka Degmada Warsheekh oo joojiyay gaadiidka uga yimaada Muqdisho

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maamulka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu soo saaray Go’aan Cusub oo looga hortegayo faafida Cudurka Coronavirus.

Maamulka Warsheekh ayaa joojiyay isku socodka gaadiidka rakaabka ah ee ka tega Magaalada Muqdisho, isla markaana maalin kasta aadi jiray degmadaas iyo deegaano kale oo hoostaga muddo laba todobaad ah.

Sababta uu Maamulka u joojiyay isku socodka gaadiidka ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay cabi laga qabo Cudurka halista ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga helay Magaalada Muqdisho ee Caaismadda Soomaaliya.

Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa muddooyinkii dambe aheyd degmo loo dalxiis tego, waxaana Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha halkaas aad jiray dhalinyaro farabadan oo kusoo damaashada Xeebta Warsheekh oo aad u qurux badan.

Sidoo kale warar la helayo ayaa sheegaya in Warsheekh ay maalinta berri ku wajahnaayeen Mas’uuliyiin kala duwan, hayeeshee waxaa noola xaqiijiyay in Safarkooda uu baaqay, kadib markii la joojiyay gaadiidkii halkaas tegi jiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media