Maamulka Degmada Deyniile oo ka hadlay Qaraxii khasaaraha geystay 

Maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax barqanimadii Maanta lala eegtay Xoghayaha degmadaas Mahad Sharaawe iyo Taliyaha Nabadsugida Deyniile.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Deyniile Cabduqaadir Cali Faracade oo la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in qaraxa oo ahaa miino lagu aasay meel ku dhow Xarunta degmada lala eegtay gaari Qooqan ah oo uu saarnaa Xoghaye Mahad Sharaawe.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cabduqaadir Farcade in qaraxaas uu ka badbaaday Xoghayaha degmada Deyniile Mahad Sharaawe, uuna jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxa.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka amniga ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof oo laba kamid ah ay ahaayeen Rag iyo 1 qof oo dumar ah, waxaana ku dhaawacmay hal Askari oo ilaalo u ahaa Xoghayaha, sidoo kalena ay waxyeelo gaartay goobo Ganacsi.

Dhinaca kale Xoghayaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Mahad Sharaawe ayaa sheegay in qaraxii Maanta ka dhacay meel ku dhow Xarunta degmada lala eegtay gaarigiisa, balse uu ka badbaaday, isla markaana xaaladdiisa Caafimaad ay wanaagsan tahay.

Waa markii Afaraad uu ka badbaaday Xoghaye Mahad Sharaawe qarax lala eegtay, isagoona horey uga badbaaday qaraxyo lala beegsaday, waxaana xusid mudan in todobaadkii hore qarax ka dhacay Deyniile lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor