Maamulka Degmada Deyniile oo ka hadlay dilkii Guddoomiye Fooldibi

Maamulka Degmada deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay dilkii Maanta loo geystay Gudoomiyihii Waaxda Halgan ee deyniile Cabduqaadir Fooldibi.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga deyniile Maxamed Cabduqaadir Fara-cadde oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dilka Guddoomiye C/qaadir Fooldibi loo adeegsaday tooreey ama Mindi, ayna dishay xaaskiisa uu isaga qabay.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Fara-cadde in dilka Marxuum C/qaadir Fooldibi uu yimid, kadib markii uu kala dhex galay muran dhexmaray laba xaas uu qabay, hayeeshee mid kamid ah xaaskiisa ay wadatay Tooreey, sidaasina ay wadnaha ugu dhufatay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Fara-cadde in Guddoomiye Waaxeedkii Halgan uu marka hore soo gaaray dhaawac Culus loona soo qaaday Isbitaalka Digfeer, Balse markii halkaas la geeyay uu geeriyooday.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye ku-xigeenka amniga deyniile ayaa waxaa uu tilmaamay in laamaha amniga ay ku raad-joogaan Haweeneyda ka dambeysay dilka Ninkeeda, isla markaana Ciidanka amniga ay wadaan howlgalo kala duwan oo lagu soo qabanayo.

Si kastab dadka kunool Degmada deyniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Halgan ayaa Maanta aad u hadal haaya falkii lagu dilay Guddoomiyihii Waaxdaas ee C/qaadir Fooldibi , waxaana dadka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay u sheegeen inay falkaas aad uga naxeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media