Maamulka Deg. Warsheekh oo fariin qeylo-dhaan u diray Dowladda Federaalka

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalin ayaa sheegay in weli uu socdo baaritaanka weerarkii habeen hore dadkii isku qoyska ahaa lagu dilay ee ka dhacay duleedka degmadaas.

Guddoomiye Muxudiin Maxamed Maalin oo Telefashinka Dalsan kula hadlay deegaanka Xalluule oo weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in laamaha amniga degmada iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ay wadaan howlgal lagu raadinayo rag hubeysan oo ka dambeeyay weerarkaas, kuwaasi oo ahaa maleeshiyaad hubeysan.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in cidii loo soo qabta falkaas sharciga la horgeyn doono, isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, si looga hortego falalka la xiriira aanada qabiil ee muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay deegaano ka tirsan  Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Muxudiin Maxamed ayaa tacsi u diray Ehelada dadkii la dilay, halka kuwa dhaawacmay uu Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah ah siiyo, isagoona weerarkaas ku tilmaamay inuu ahaa mid Argagax leh.

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Warsheekh ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu qeylo-dhaamiyay inay gacan weyn ka siiso sidii looga hortegi lahaa dagaal beeleedyada ku soo laabtay-laabtay deegaanada iyo degmooyin hoostega Warsheekh.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan uga baahannahay inay gacan naga siiso sidii looga joojin lahaa dagaalka beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanada qabiil ee muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanayay deegaanada hoostega Warsheekh” ayuu yiri Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada.

Weerarkii ka dhacay deegaanka Xalluule ayaa ku geeriyooday hooyo Umul ahed iyo laba caruur ah oo ay dhashay, halka laba qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi lagu dabiibanayo xaaladooda Caafimaad Isbitaal ku yaalla Muqdisho, waxaana falkaas uu yahay mid la xiriira aano qabiil.

Si kastaba deegaano iyo degmooyin hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo geystay khasaaro kala duwan, wallow dagaal beeleedyada qaarkood la xaliyay, halka kuwo kalena lagu guud-darreystay in la xaliyo, xili maamulka degmada Warsheekh uu arrintaas wax ka qaban-waayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media