Maamul Goboleedkii ugu horreeyay oo Maanta la gaarsiiyay Tallaalka COVID-19

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa Maanta waxaa ka degtay diyaarad sida qeybtii koobaad ee tallaalka COVID-19 kana timid xarunta COVAX, oo ay gacanweyn ka geysatay Hay’adda GAVI.

Munaasabada oo ka dhacday Garoonka Gen. Mohamed Abshir ayaa Wasiirku hay’addaha WHO Iyo UNICEF kala wareegay talaalka, waxayna wareejinta talaalka kadib ay ka warbixiyeen talaalka inta uu ka koobanyahay iyo dadka la siin doono.

Madaxa caafimaadka Soomaliya hay’adda UNICEF Mr Lion oo wareejinta talaalka ka hadlay ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya afka hay’adda UNICEF waxaan maanta ku faraxsanahay inaan wasaaradda caafimaadka Puntland ku wareejiyo qaybtii koowaad ee talaalka Covid19, waxaana rajaynayaa in sida ay tahay looga faa’iidaysan doono”

Siciid Nuuriye oo ka socday hay’adda WHO ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta Puntland uu gaaro tallaalkan oo waqtigii loogu baahi badnaa soo gaaray Soomaliya, waxaana uu rajeeyay in wax badan oo ka badali doono halista xanuunka.

Wasiirka Wasaaradda  Caafimaadka, Dr Jamac Farax Xasan oo ka hadlay Munaasabadda Puntland kula wareegeysay tallaalka COVID-19 ayaa waxaa uu sheegay inay muhiim weyn u leedahay in Puntland la wareegto wejigii koowaad ee tallaalka Covid-19 oo dhan 40,000 oo xabo, isla markaana ay doonayaan in deegaanada Maamulka laga bilaabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor