Maamul Goboleedkii ugu horreeyay oo ka hadlay Geerida Xudeydi

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaayay magaciisa, kan Goleyaasha iyo kan shacabka Puntland ayaa waxaa waxa uu ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) oo ku geeriyoodey magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska, kadib caabuqa Covid-19 oo haleelay maalmo uun ka hor.

“Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) waxa uu dhashay sanadkii 1928-dii waxa uu noloshiisa inta badan kaga qayb qaatay kobcinta fanka Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa tiir weyn oo ka baxay suugaanta Soomaaliyeed, waxa uu lafdhabar u ahaa fanaaniinta da’yarta ah ee usoo kacday hiddaha iyo dhaqankeena. Waxa uu ahaa dhiirigeliye khibrad badan u leh suugaanta, isagoo muddo dheer kusoo dhexjirey fanka” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu mar kale uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi), wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media