Maamul Goboleedkii ugu horreeyay oo ka hadlay Doorashada ka dhacday Hir-shabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Hambaliyo udirey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Lafta Gareen ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray labada Mas’uul ee Maanta la doortay ee Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).