Maamul Goboleedkii Saddexaad oo Bandow soo rogay  

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in Bandow xiliyada habeenkii ah ay ku rogtay deegaanadeeda si loo xakameeyo faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisaskii ugu horreeyay ee Jubbaland laga helay Magaalada Kismaayo.

Guddiga ka hortega Cudurka COVID-19 ee Jubbaland oo Maanta kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa shaaciyay in deegaanada maamulkaas lagu soo rogay Bandow uuna bilaabo saacadda markii ay tahay 6:00 maqribnimo ilaa 06:00 aroornimo.

Sidoo kale kulanka Guddiga ayaa waxaa ka qeyb galay laamaha amniga Jubbaland, waxaana inta uu socday lagaga looga hadlay dhaqan galinta amrkan iyo guud ahaan awaamirta uu guddigu shaaciyay ee la xiriira Cudurka Coronavirus.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud, isagoo sheegay in Bandow uu dhaqan galayo laga bilaabo Caawa, wuxuuna Ganacsatada ugu baaqay inay xiraan goobahooda inta uu socdo Bandowga.

Si kastana Jubbaland ayaa sheegtay in xalay Kismaayo laga helay laba ruux oo qaba Coronavirus, kuwaasi oo la karantiilay, sidoo kalena Maanta la qabtay in ka badan 70 ruux oo ku sugan deegaanada kala duwan ee Jubbaland oo looga shakiyay COVID-19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media