Maamul Goboleedkii labaad oo magacaabay Guddiga Doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Fiqi ayaa magacaabay Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka ee Koonfur Galbeed.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Cali Saciid ayaa lagu magacaabay xubnaha Guddiga Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ka kooban 11-xubnood, kuwaasi oo dhammaantood ah Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona qabashada doorashada Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka ee Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale Guddiga ay la kulmi doonaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u magacaabay Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare, kuwaasi oo u diyaar garoobaya  inay soo doortan Senatorada oo la filayo in Musharaxiinta tartamaya Maanta uu gudbiyo Madaxweynaha Jubbaland.

Magacaabistaan ayaa kusoo aaday, iyada oo Maanta markii saddexaad uu dib u dhac ku yimid Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo markii hore loo qorsheeyay inay bilaabato 25-ka Julay 2021 oo Maanta ku beegan.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha doorashada ee la magacaabay

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor