Maamul Goboleedkii labaad oo ka hadlay Doorashadii Mareykanka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Joe Biden ugu hambaleeyay guushii uu ka gaaray Doorashadii ka dhacady dalkaas.

Madaxweyne Qoorqoor oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in guushii Madaxweyne Joe Biden ka gaaray Doorashada ay aheyd mid taariikhi ah, isla markaana uu ka guuleystay Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo VP-Elect Kamala Harris guushooda taariikhiga ah. Bogaadin gaar ah ayaa u jeedinayan dadka Mareykanka oo doortay haweeneydii ugu horeysay ee VP iyo dejinta xaalad cusub oo ah ka qeybgalka haweenka ee maamulka” ayuu yiri Qoorqoor.

Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray Madaxweynaha Cusub ee Mareykanaka Joe Biden oo ka adkaayay Donald Trump.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media