Maamul Cusub oo loo Magacaabay Degmada Guriceel (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maamul Cusub u Magacaabay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee Guriceel loogu magacaabay Faarax Cabdi Macalin, halka C/Shakuur Axmed Faarax laga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Cabdirisaaq C/llaahi Faarax u magacaabay inuu nqodo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Arrimaha Bulshada degmadaas.

Ugu danbeyntii Qoorqoor ayaa faray dhammaan hay’adaha kala duwan ee amniga Galmudug inay la shaqeeyaan Guddoonka Cusub ee Guriceel si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media