Maamul Cusub oo loo Magacaabay deegaanka Jaziira (Wareegto)

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Najax ayaa Maamul Cusub u Magacaabay deegaanka Jaziira ee hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Najax ayaa waxaa Guddoomiyaha deegaanka Jaziira loogu magacaabay inuu noqdo Cismaan Maxamed Nuur, halka Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda laga dhigay Xuseen Jilacoow Maxamuud.

Sidoo kale Guddoomiye Najax ayaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda ee deegaanka Jaziira u magacaabay Maxamed Shugaale Maxamed.

Sababta keentay in Maamu Cusub loo magacaabo deeegaanka Jaziira ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii markii la arkay baahiddaha loo qabo maamulka  Cusub.

 

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media