Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Shirkadda Shirkadda Ethiopian Airlines ay joojisay Duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Magaalada Garoowe, hayeeshee warkaas ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyas Cismaan Lugatoor oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in aysan waxba ka jirin wararka la faafiyay ee ahaa in Shirkadda Ethiopian Airlines ay joojisay Duulimaadyadii Garoowe, isagoona warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.
Waxaa uu sheegay Wasiir Ilyas Cismaan in wax dhibaato ah aysan ka jirin Garoonka diyaaradaha Garoowe, isla markaana uu yahay mid si caadi ah u shaqeynayo, ayna shirkadda Shirkadda Ethopian Airlines shaqadeeda wadato.
Sidoo kale Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in diyaaradda Ethiopian Airlines ay Caasimadda Puntland ee Garoowe ay timaado 4 maalmood, wuxuuna dadka doonaya inay ku safraan diyaaradahaas ay tahay mid shaqeyneysa.
Gaba-gabadii Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa uga digay dadka faafinaya wararka been abuurka ah ee lagu Jahwareerinayo shacabka, isagoo ugu baaqay warbaahinta ay iska ilaaliyan wararka la faafinayo ee beenta ah.