Lubnaan oo qarka u saaran burbur iyo dowlad la’aan kadib is Casilaaddii Ra’iisul Wasaare Saad Hariri

Ra’isul Wasaarihii Lubnaan Saad Hariri ayaa iska casilay xilkiisii, kaddib markii sida uu sheegay uu ku fashilmay dadaalladii uu ku soo dhisi lahaa xukuumad lagu wada qanacsanyahay ee badbadisa dalkaas.

Hariri ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa kaddib markii uu la kulmay madaxweyne Michel Aoun, isagoo sheegay in ay caddahay in aysan heshiin karin, isla markaana hoosta ka xarriiqay isqabqabsiga siyaasadeed ee hor istaagay dhismaha golaha wasiirada, xilli Lubnaan ay ku sii dhaceyso qalelaase baaxad leh.

Hariri, oo saddex goor oo hore Ra’isul Wasaare ka soo noqday Lubnaan ayaa ah siyaasi Sunni ah oo hogaamiya Sunniyiinta Lubnaan, waxaana xilka loo magacaabay bishii Oktober ee sanadkii hore, kaddib markii uu iscasilay Ra’iisul Wasaare Xasan Diab, kaddib qaraxii ka dhacay dekedda Beirut oo ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qofood.

“Waxaan ka cudurdaartay inaan dhiso dowladda,” ayuu yiri Hariri kaddib kulan qaatay 20 daqiiqo oo uu la yeeshay madaxweyne Michel Aoun.

Hariri ayaa ahaa Ra’isul Wasaaare magacaaban, waxaana isaga iyo madaxweyne Aoun ay si kala gooni ah u sheegeen inay la tashiyo u aadi doonaan xulifadooda siyaasadeed ee gudaha iyo dibadda.

Dibadbaxayaal ayaa xiray qaar ka mid ah waddooyinka u dhow meelaha ay ku badan yihiin Sunniyiinta ee magaalada Beirut kaddib markii uu Hariri iscasilaaddiisa ku dhawaaqay Khamiistii, iyagoo dab qabadsiiyay qashin iyo taayirro. Ciidamada militariga ayaa la geeyay goobahaas, iyagoo hawada u ridaya rasaas, si ay u kala eryayeen dibadbaxayaasha oo askarta ku soo riday gantaallo, waxaana ku dhaawacmay hal askari, sida laga soo xigtay ilo amni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor