Lubnaan oo maanta yeelan doonta Ra’isul-wasaare Ku-meel-gaar ah

Maalqabeen Najiib Mikaati oo mar Ra’isul-Wasaare ka soo noqday dalkaasi ayaa la filayaa in maanta mar kale xilkaasi loo magacaabo, isagoo taageerada ugu badan ka haysta Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Suniyiinta ee dalkaasi, oo uu ka mid yahay Ra’isul-wasaarihii hore, Sacad Xariiri .

Sidoo kale, waxa uu Taageero ka haystaa Afhayeenka Barlamaanka Lubnaan, Nabiih Barreh iyo Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Amal

RW Cusub, Najiib Mikaati oo ah Maalqabeen caan ah ma haysto Taageerada ugu badan ee Xildhibaanadda Kirishtaanka ah, halka ay Xisbiyo kalena sheegeen inay Murashax u soo magacaabi doonin Xilka Ra’isul-wasaaraha.

Nidamka Siyaasadeed ee dalka Lubnaan wxa uu dhigayaa inuu Xilka Ra’isul-wasaaraha qabto Siyaasi Sunni ah, halka Madaxweynuhu ka imaanayo Kirishtaanka Maronitka, iyadoo uu Afhayeenka Barlamaankana noqonayo Siyaasi ka soo jeeda Muslimiinta Shiicada.

Lubnaan ma lahayn Xukuumad buuxda tan iyo markii uu Qaraxa weyn ka dhacayDekedda magaalladda Beyruut bishii August ee sanadkii hore, xilligaasi oo uu Ra’isul-wasaare Xasan Dayib iska casilay Xilkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor