Lafta-gareen “Xaaladda aan ku jirno waxaa uga bixi karnaa Isku tanaasul”

Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Caawa Khubad ka jeejiyay Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwo  maamul goboleedyada ee dalka ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu marka hore u mahadceliyay Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo marti geliyay shirka ay isugu yimideen Madaxda.

Waxaa uu Lafta-gareen sheegay in xaaladda haatan ka jirta dalka Soomaaliya looga bixi karo midnimo, wadajir iyo isku tanaasul, wuxuuna xusay in haatan ay Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay muujinayaan isku soo dhawaansho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu tilmaamay inay sharaf tahay sidii ay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay u aqbaleen dalabkii uga yimid Maamul Goboleedyada ee ku aadanaa Shirka.

“Caawa waa habeen taariikhi ah oo aan wada kulanay, waxaa sharaf ah in Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ay ajiibeen codsigii maamul Gobaleedyada oo shirka ay joogaan, waxaan xaaladaan aan ugu bixi karnaa midnimo, wadajir iyo tanaasul” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media