Lafta-gareen oo War kulul kasoo saaray  Qaraxii Maanta lala beegsaday Dad shacab ah

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si kulul uga hadlay Qarax miino ah oo Maanta ka dhacay Suuqa degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed ee ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf-waayay qaraxii ka dhacay Suuqa Bardaale, isagoo Caafimaad u rajeeyay dadka dhaawacmay..

Lafta-gareen ayaa xasuuq ku tilmaamay  qaraxa duhurnimadii Maanta Suuqa Bardaale lagula beegsaday dad reer Miyi ah oo maalinta Jimcada aad uga adeegta dukaaman ku yaalla gudaha Suuqa degmadaas, iyagoo uga yimaada degaano fog…

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shacabka ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga hortego falalka amni darro iyo weerarada ay geystaan Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay 7 ruux ayaa ku geeriyooday qaraxii Maanta ka dhacay Bardaale, halka 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadkaas dhaawacmay qaarkood la sheegay inay xaaladdooda liidato, mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas dhacay.