Lafta-gareen oo Safar deg deg ah ugu amba-baxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed  Lafta Gareen ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Turkiga.

Safarka Lafta-gareen ayaa ahaa mid aan horay loosii shaacin, waxaana uu ku baxay si deg deg ah, waxaana ilaa iyo hadda aan la shaacin u jeedka safarkiisa.

Safarka Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ku soo aaday, iyadoo hubaal la’aan ka jirto qabashada doorashada Golaha Shacabka oo aanay weli Dowlad Goboleedyada ka bilaaban lana heyn wax jadwal rasmi ah.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha uu qaadan doono muddo lix maalmood ah, doorashada Golaha Shacabka ay bilaaban doonto 20 illaa 25 bishan November.

Todobaadka soo aaddan ayaa la filayaa inta badan Madaxda dalka ay safaro uga baxaan dibadda iyo gudaha dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor