Lafta-gareen oo sheegay in la xalinayo tabashooyinka Musharaxiinta

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay arrimaha doorashada dalka ka dhacaya, xili weli uu muran xoogan uu ka taagan yahay Guddiga la magacaabay ee doorashada.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa uusan wax cabasho ah xiligaan ka qabin doorashada dalka ka dhaceysa 2020/21, ayna doonayaan in doorashada ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, diyaarna u yihiin qabashadeeda.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka qeyb qaadan doono sidii loo xalin lahaa tabashooyinka Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ay ka qabaan doorashada iyo Guddiyada la magacaabay.

“Waxaa rabnaa inaan mas’uuliyad gooni iska saarno dhawaaqa iyo walaacii dadkii siyaasiyiinta ee xamar joogay ee cabashada ka qabay dorashooyinka una baahan in la isku qanciyo oo la wada hadlo, waa tii aan horay u balanqaadnay waa u istaageynaa, wax nagu muhiimsan oo rabno waxay tahay sidii horay u ahaan jirtay inay dooarasho dhacdo, si nabad ku dhacdo,” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Isaga oo sii hadlaayay Lafta-gareen ayuu Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ugu baaqay in la fuliyo heshiiskii Magaalada Muqdisho lagu gaaray 17-kii bishii November 2020, si ay doorashada ugu dhacdo waqtigii loogu tala-galay.

Muran xoogan ayaa ka taagan doorashada gaar ahaan Guddiyada la magacaabay oo ay kasoo horjeedan Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana sidoo kalena diidan maamulada Puntland iyo Jubbaland oo shuruudo ku xiray magacaabista Guddiyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media