Lafta-gareen oo Kismaayo u socdaali doona iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa lagu wadaa in uu gaaro Magaalada kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad Goboleedka Jubbaland.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Lafta-gareen uu ku wajahan yahay Kismaayo, isagoo kulan gaar ah la yeelan doono Madaxweyna Jubbaland Axmed Madoobe.

Sida wararka hoose ee soo baxaya ay tibaaxayaan lafta-gareen iyo Axmed Madoobe ayaa si gaar ah kaga arrinsan doona arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan kuraasta Golaha Shacabka ee dhawaan lagu dooran doono Jubbaland.

Cabdi Casiis Xasan Maxamed(Lafta-gareen) Madaxweynaha Koogur Galbeed ayaa sida la sheegay waxaa gorgortan la gali doonaa Axmed madoobe, isagoo doonaya in kuraasta uu rabo loo soo saaro, waa sida ay sheegayaan wararka hoose ee soo baxaya.

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socto doorashada Golaha shacabka, Iyadoo Baydhaba lagu doortay kuraas badan oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana jira Muran hareeyay kuraasta qaar, iaydoo la-laalay Natiijooyinkii kasoo baxay kuraasta Qaar oo hab musuq-maasuq ah lagu doortay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor