Lafta-gareen oo farriin u diray Guddiga doorashada Koofur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) kulan la yeeshay Guddiyada doorashooyinka, isagoo kala hadlay arrimo ku aaddan doorashooyinka dalka.

Kulanka uu Madaxweyne Lafta gareen la qaatay Guddiyada  Doorashooyinka iyo Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa waxaa diiraadda intiisa badan lagu saaray doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee ka socota Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koofur Golbeed Soomaaliya.

Lafta-gareen ayaa   Gudiyada Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal (FIET) heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka, ku booriyay in hannaanka doorashooyinka sida ugu wanagaasn loo qabto, maaddama ay jiraan cabashooyin dhinacyada qaar la imaanaya.

Baydhaba ayaa waxaa ka socota doorashada Golaha Shacabka, waxana magaalada lagu doortay qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada, iyadoo haddana loo madalsan yahay in gabi ahaanba lagu soo doorto Kuraasta Dowladda dhexe kasoo galaya KGS.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor