Laba Madaxweyne Maamul Goboleed oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa waxaa Maadxweyneyaasha maamulada kusoo dhaweeyay Madaxweynaha puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas iyo xubno ka tirsan Maamulkaas.

Ujeedka Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii uu halkaas uga qeyb geli lahaayeen aaska Allah ha u Naxariistee Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynahii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Dhinaca Garoowe ayaa Madaxda maamulada uga soo sii horreeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo halkaas maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media