Laba kamid ah Musharaxiinta Aqalka Sare ee Puntland oo Goor dhow la doortay

Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka SOomaaliya ee Puntland ayaa ka bilaabatay Xarunta Baarlamaanka Maamulkaas ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Doorashada 11-ka kursi ee Aqalka Sare ee Puntland ayaa waxaa ku tartamaya 20 Musharax oo doonaya inay kamid noqdaan Snatorada Aqalka Sare, waxaana Musharaxiinta dooranaya Xildhibaanada Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Musharax Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa mar kale Xildhibaanada Puntland u doorteen inuu kamid noqdo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursigan oo ah midka koowaad ayaa waxaa Cabdiraxmaan Faroole kula tartamay Musharax Maxamed Colaad, iyadoona Musharax Cabdiraxmaan uu helay 54 cod halka musharrax Colaad oo isna helay 11 Cod.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland, Maxamed Cali Yuusuf ‘Gaagaab ayaa cod gacan-taag ah loogu doortay Senator Aqalka-sare, kaddib markay u tanaasushey musharrax Kowsar Cabdullaahi.

Doorashada ayaa weli socota Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana la booban yahay in dooto 11 Musharax oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor