Laamaha amniga oo qabtay Nin looga shakiyay in uu watay walxaha Qarxa

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa Maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha Magaaladaas, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Ciidanka amniga ayaa gacanta ku dhigay Nin looga shakiyay inuu watay waxyaabaha qarxa oo lagu arkay xaafad ka tirsan Guriceel, xili uu ku sugnaa, kadib markii dadka deegaanka ay arkeen.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka amniga Galmudug ayaa ku warramay in Ninka markii horey Ciidanka ay hareereeyeen, kadibna lagu amray inuu dhulka dhigo boorso ay ku jiraan waxyaabo badan, sidaasina lagu qabtay.

Ciidanka Booliska Galmudug ayaa intaas kadib Ninka u watay Saldhig Ciidan oo lagu xiray, isla markaana laamaha amniga ay ku wadaan baaritaano kala duwan oo lagu odgaanayo Ninka iyo waxa uu sitay.

Laamaha amniga Maamulka Galmudug ayaa sare u qaaday howlgalada ay wadaan, kadib markii jimcihii lasoo dhaafay Nin isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Munaasabad lagu soo dhaweynayay RW Rooble oo ka dhacday Magaalada Gaalkacyo, uuna ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media