Laamaha amniga oo Magaalada Muqdisho ku gubay khamri iyo xashiish farabadan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeeray howlgal xoogan oo ay Ciidanka  Booliska dowladda Federaalka ka fuliyeen degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay kusoo qabteen qeybaha kala duwan oo ay ka kooban tahay waxyaahaba Maanka dooriya sida khamri iyo xashiish, waxaa sidoo kale howgalkaan lagu soo qabtay dadkii ka ganacsanaayey.

Isgooska Fagax ee magaalada Muqdisho ayaa lagu gubay daraagiskaas kala duwan oo ay Ciidamada amniga howlgalka kusoo qabteen, waxaana goob joog ka ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliska Farxaan Maxamuud Qaroole.

Afhayeenka Booliska Cabditixaan Aadan Xasan ayaa Digniin u diray dadka Ganacsada waxyaabaha maandooriyeyaasha ah, wuxuuna sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo gudaha Muqdisho ku dhex iibisa maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaa maalmo kahor soo saaray Go’aano looga hortgayo dadka Isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada maandooriyeyaasha, iyadoona la burburiyey goobo badan oo lagu iibinaayay maandooriyaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor