Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Rag dhac geysan jiray

Ciidanka amniga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay kooxo burcad ah oo dadka dhac u geysan jiray dadka shacabka iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha Khamriga oo laga mamnuucay Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Guriceel ee oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in laamaha amniga ay howlgal kusoo qabteen dad ku dhow 10 qof oo isugu jiray Burcad iyo kuwa Khamriga ka ganacsanaayey.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in raggan howlgalka lagu soo qabtay ay warbaahinta u soo Bandhigi doonaan saacadaha soo socda, isla markaana sharciga la horgeyn doono.

Wasiirka Wasaaradda amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Maanta shaaciyay in gabi ahaan deegaanada Maamulka laga mamnuucay Isticmaalka iyo ka gansacsiga maandooriyaha Khamriga, isagoo xusay in cidii lagu arko laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media