Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Rag Caawa dhac ka geystay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gacanta ku dhigay Rag burcad ah oo Mooto Bajaaj Caawa fiiddkii horey ku dhacay Xaafad ka tirsan Degmada Dharkeenley ee Gobolkaan Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in rag hubeysan oo burcad ah ay Darawal ka dhaceen Mooto Bajaaj oo uu ku shaqeysanayay, kadibna goobta ay ka baxsadeen.

Darawalka laga dhacay Mootada ayaa Laamaha amniga Degmada dharkeenley iyo kuwa Booliska uu ku wargeliyay in laga dhacay Mooto, uuna u sheegay nooca iyo taarikada Mootadiisa.

“Caawa fiidkii ayaa Mooto Nuuceedu yahay Bajaaj Gaduud ah oo lahayo numberkeeda iyo taarkadeeda ayaa Muwaadin Soomaaliyeed looga dhacay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadi” ayaa lagu yiri Qoraalka Ciidanka Booliska.

Intaas kadib Ciidanka Booliska ayaa sameeyay howlgalo kala duwan, iyagoo markii dambe gacanta kusoo dhigay mootadii iyo burcadii dhacday, kuwaasi oo lagu xiray mid kamid ah Xarumaha Ciidanka Dowladda.

“Muwaadinka dhibanaha ahaa ayaa ashtako ugudbistay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay mootadii iyo burcadii dhacday” ayaa lagu soo Gaba-gabeeyay qoraalka Taliska Booliska.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media