Ciidanka Nabadsugida ee Maamulka Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Galgaduud, waxaana laga helayaa faah faahino.
Ciidanka amniga ayaa howlgalka inta uu socday kusoo qabtay Nin maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada ay baadi goobayeen, kaasi lagu eedeeyay inuu abaabulay dil ka dhacay Caabudwaaq, loona geystay qof shacab ah.
Ninkaas oo magacaabiisa lagu soo gaabiyay Bootaan ayaa markii la qabtay waxaa la geeyay Xarun Ciidamada ay leeyihiin, isla markaana waxaa halkaas la tilmaamay in lagu weydiiyay su’aalo kala duwan oo la xiriira eeda loo heysto.
Intaas kadib ayaa waxaa Bootaan loo gudbiyay Magaalada Dhuusamareeb oo la sheegay in la horgeyn doono Maxkamad, waxaana halkaas habeeno kahor la geeyay rag laamaha amniga Galmudug ay ka qabteen Caabudwaaq.
Howlgalo kala duwan ayaa laga sameeyay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, kadib markii ay ka dhaceen Magaaladaas dilal qorsheysan oo la xiriiray aano qabiil, iyadoo Galmudug ay tilmaamtay in ragga la qabtay tallaabo adeg laga qaadi doono.
Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Galgaduud ka dhacayay dilal aanooyin qabiil iyo dagaal beeleedyo, waxaana dagaal beeleedyada ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.